Text Practice Mode
dhible ma la ii baruray
created Today, 06:34 by SomaliGang
0
1435 words
0 completed
0
Rating visible after 3 or more votes
saving score / loading statistics ...
00:00
Qaarkii danbe ee hooyadeed oo weli is haysta bay damacday in ay dhinac isugu du'do. Waa meel Ilaahay uu wax ka wadaaye, markii ay soo qabatay, mise waa cunuggii reerka u yaraa oo hoosta kaga jira maro dhulka u ekaatay oo uu boodh kor iyo kal qariyey! Waa ay ku soo boodday. Indhaha bay u kala qaadday— si ay u hubiso in uu nool yahay. Mise indhihiisu waa ay nuuxnuuxsanayaan. Si taxaddar leh bay inta ay meeshii uga soo qaadday bay laabta gelisay. Kolkaasuu oohin dirqi kaga soo baxaysa uu bilaabay. Markii ay maqashay in uu ooyayo baa dareen farxad lihi uu soo galay. Wixii kale oo dhan waa ay illowday. Lugahiisa iyo gacmahiisii bay marba mid kor u qaadday. In aanay burbursanayn bay hubsatay. Yididdiilo hor leh baa gashay. Madaxa ayay gacanta ka marisay.
Wax dillaac iyo dakhar muuqda toonna ah kama ay arag. Xuska Ilaahay bay mar walba cuskanaysaa. Ugu danbayn, bal in uu luqunta wax ka qabo hubi bay is tiri. Gacanta inta ay madaxa xagga kore kaga qabatay, bay marba dhan u leexisay. Wax ay ka shakido kuma ay arag. Markaas dabadeed, bay damacday in ay ka masaxdo boodhkii oogada ka saarnaa. Dhabanka midig markii ay gacanta marisay buu qaylo af-labii yeedhay. Waxa ay aragtay in uu dab ka leefay inta badan luqunta dhanka midig oo ku soo siman ilaa dhabanka. Waa sababta uu kula bixi doono magaca Qooreey. Dhinacii uu dabku ka leefay baa diirkii ka duulay oo muddo dhan u caddayd sida qof uu ku dhacay cudurka barasku. Waxan oo dhammi waxa ay ku dhacayaan qaddar daqiiqad gudaheed ku siman. Waxa ay ku war heshay dhawr qof oo dusheeda taagan. Araggii ay aragtay dadka oogadeeda taagan, iyo waxaa kulmay dadkii oo iyada iyo cunuggii yaraaba hareeraha qabtay oo dibedda ula booday. Illeyn warba ma aanay hayne, dab guuraya baa hareerta ka soo gelayey.
Subixii xigey xubnihii dadka uu madfucu ku habsaday baa la soo ururiyey. Waxana lagu aasay meel bacaad ah oo markaasi xabaalo cusub u noqday dadka agagaarkaas lagu dilo amaba iskood ugu dhintaba. Waa meel aan ka fogayn guriga ay reerku degganaayeen. Waa afaafka hore ee Dugsigii Tababbarka Booliska "scuola di polizia."
Dharaartaasi wixii ka danbeeyey, Sacdiyo waxa ay dhexda u xidhatay sidii wiilkaa yar ee walaalkeed ah ay u korin lahayd. Wax kasta ookale meel bay iskaga tiirisay. Duruufo adag oo badan bay kala soo dabaalatay. Bal adigu qiyaas gabadh yar oo 16 jir ah, oo reerkoodii oo dhammi — marka laga reebo Qooreey— ay hal goob ku naf waayeen. Shaqo kasta oo dhib badan waa ay u dhabar-adaygtay. Gef kasta iyo gaboodfal kasta waa lagu la kacay. Waxa ay ku khasbanayd in ay la noolaato, maxaa yeelay duruufaha ku gedaaman — oo Qooreey uu ka mid yahay — baa dabrayey. Markii uu Qooreey korey, noqdayna nin qaangaadh ah, oo noloshiisa deberi kara, baa ugu horreysey in ay xusuusatay in ay gabadh ahayd! In ay xarragooto oo oogadeeda qurxiso iyo hawo adduunyoba markaas bay u bilaabantay. Salaadda subax horteeda bay kacdaa oo ay suuqa khudaar la fadhiisataa. Gelinka danbena kaamka barakacayaasha ee ay deggan tahay, buulkeeda hortiisa bay dhuxusha ku iibisaa. Qooreeyna waxa uu ka mid noqday dhallinyarada suuqa Bakaaraha noloshooda kala soo baxa. Sannadkii 2007-kii ayaa waxa Sacdiyo ay is guursadeen Mursal. Waxa ayna halkii ay degganayd uga guurtay guri sandaqad ah oo uu Mursal ku lahaa xaafad cusub oo dad barakacayaal ahi ay degganaayeen oo laga aasaasay eeriboortka Xamar agtiisa.
......
Waa Siinaay iyo subax Arbacaad. Bishu waa 6-dii Agoosto 2025. Waa Sacdiyo oo siddeed agoon ah korisa. Waa shan iyadu ay dhashay iyo saddex uu walaalkeed dhalay. Waxa ay hor fadhidaa guri sandaqad ah oo ay halkaas ku lahayd oo cagaf-cagaf (bulldozer) la dul mariyey— xilli ay carruurta quudkooda ku maqnayd. Marna isma ay lahayn ciqaab kale oo adduun baa kuu laaban! Cudurro ay filaysay in ay ka bogsootay baa iyaga oo intii hore ka jilicsan mar kale ka daba yimid. “Ma maanta iyo barokac iyo beyd la’aan cusub. Ma adiga oo siddeed agoon ah masuul ka ah. Tolow maxaad galabsatay oo lagaa goyanayaa. Bal xaggee u irkadaa!” Hadaladan kore waa waxa maskaxdeeda saaka ka guuxaya.
Aniga oo indho-indhaynaya sida ay dawladda Soomaaliyeed u burburisay suuqii danyarta ee Siinaay, rabona in aan indhahayga ku soo arko dadkii halkaasi laga barokiciyey, baan ku soo baxay haweeney fadhida meel ay cagaf burburisay. Labadeeda gacmood bay dhafoorrada ku haysataa. Waxa dul tuban dhawr carruur ah oo duruufaysan wejiyadoodana welwel laga dheehan karo. Labo carruurta ka mid ahi waa ay is xambaarsan yihiin, mid kalena gacanta ayuu sii haystaa. Haweeneydii baan salaamay. Wax jawaab ah iima ay celin. Mar kale baan haddana salaamay. Hadal ma leh. Kolkaas baan inta aan dhinaceeda fariistay wayddiiyey “hooyo ma dadka guryahoodii la dumiyey baad ka mid tahay?” Inta ay wejiga iga dadabtay, bay iyada oo dhulka xarriiqaysa tiri, “waad u jeeddaa meesha aan kuudodo’e, maxaad su’aasha iga wayddiinaysaa!” Saddexdii carruurta ahaa ee is xambaarsanaa baa dhinacayga u soo dhowaaday. Kolkaas baan caagad biyo ah oo qabow oo aan wax yar ka cabbey u taagay gabadhii yarayd ee wax xambaarsanayd. Inta ay iga qabay- bay iyadii ma ay cabbine— ilmihii ay xambaarsanayd inta ay xagga hore wejigiisa u soo wareejisay ay caagaddii biyaha ahayd afka ugu qabatay. Markii uu in yar qudhqudhiyey, bay haddana gabadh yar oo gacanta haysatay ay biyihii u dhiibtay. Hooyadii, baan haddana bal aniga oo raba in aan xaaladdeeda u kuurgalo aan waraysi ugu dhaqaaqay, waxa ayna sheekadeedii ku bilowday sidatan:
“Aniga oo gabadh yar ah oo markaas uun qaangaadhay baa reerkayagii uu madfac ku habsaday. Aniga iyo wiil yar oo naaska jaqayey oo keli ah baa ka badbaadnay. Dhammaan qoyskayagii waxaa lagu duugay xabaalaha ka soo horjeeda Iskoola Boliisiyo ("scuola di polizia”), meeshii dadka lagu toogan jirey, sow garan maysid. Wiilkii yaraa baan hooyo iyo aabbe u noqday. Markii uu qaangaar noqdayna, aniga ayaa qoys yeeshay. Alxamdulillah markaas baa nasasho iigu horreysey. Mursal, odaygaygii nin naxariis badan buu ahaa. Isaga ayaa masuuliyaddaydii qaaday. Waan ku degey, oo ku nastay. Ani shaqadii xamaaligii aan ku jirey wuu iga nasiyey. Sidii naag la qabo lagu yaqaanney aan u noolaaday. Waxa uu ahaa nin jeeble ah. Labo kaaryoone oo alaabada lagu iibiyo buu suuq Bakaare ku lahaa. Dilaalna wuu ahaa. Shan carruur ah oo isku-nuug ah baan u dhalay. Ani dhib aa la ii abuuraye, Mursal waxa lagu dilay suuq Bakaare.” Markaas baa illin ay xakamayn kari weydey ay soo dhaaftay. Garbasaartii bay wejigeeda igaga qarisay.
In cabbaar ah baan sugay. Kolkaas baan iri “Ilaahay ha u naxariisto Mursal. Yaa dilay?”
“Nin askari dawlo ah baa kibir ku dilay. Lacag baad ah uu warsaday. Mursal nin Ilaahay aamminsan uu ahaa, cid kale kama uu cabsan jirin. Lacag baad ah ani ma bixinaayo, uu dhahay. Waa la isku xanaaqay. Barararrac…. shan xabbo uu laabta uga jiiday. Halkaas uu ku dhintay. Maxaa filee markaas? Aniga lee carruurtii oo agoon ah masuuliyaddooddi igu soo baxsatay. Adi waa iskala raftay. Wiilkii aan soo koriyey ee walaalkayna si fiicanuu ii caawiyey. Aniga oo carruurta noloshooda iskala xarbiyaya, haddana waa tanaa!” Hadalkii baa ka soo bixi waayey. Carruurtii mid ka mid ah baan ku iri “adeer cabitaan tabakaayadaas inooga soo qabo, inta aan Shan doollar jeebka ka soo saaray. Markii cabitaankii noo yimid, baan haddana sheekadii dib ugu celiyey. “Waa tanaa, maxaad ka waddey, ma dhib kale baa dhacay?” “Dhib maan ka baxaa ani, dhib lee la ii abuuraye. Sidan maanta camalaa dawladdii xaafaddii aan degganayn oo ahayd meel la deris ah eeribootka ay subax ugu soo kallahaday. Ilmihii iigu horreeyey oo aan dhalay baan subaxii iskuul in aan soo qoro u kaxeeyey. Waxa aan dib u soo noqday, gurigayagii iyo guryihii deriska oo dhan oo cagafcagaf la dul mariyey. Inaa maqashayaa laga yaabaa, xaafad Galmudug la yiraahdo ma maqlinoo?” Kolkaas baan madax ruxay. “Meeshii guryaha masaakiinta laga dumiyey, aa xaafaddaas niman siyaasiyiin ah iyo ganacsato qaraabadooda ah ay ka dhisteen. Oday sannadkii hadda naga tegey geeriyooday oo Bulshaale la oran jirey, Alla ha u raxmadee, oo ay Mursal qaraabo dhow ahaayeen saaxiibbo isku fiicanna ahaayeen aa naga naxay. Adeer Bulshaale isaga aa inta noo soo raray. Boos yariis ah uu inta naga siiyey. Guri jiingad ah oo Saddex qol ka kooban aan ka dhisannay. Laba qolna aniga iyo carruurtayda aa degnay, qolkii kalena wiilkii walaalkay ee Qooreey aa degey. Markii danbe wuu guursaday, xaaskiisiina qolkii bay la soo degtay. Saddexdan carruurta ah ee agoonta ahna isagii aa ka tegey.”
Geeridan kale markii aan maqlay, baan run ahaantii aad u sii naxay. Illin baa indhahaygii isku soo taagtay, haddana waan is xakameeyey. “Walaalle ma bes buu u dhintay?” ayaan si naxdin ku jirto u wayddiiyey.